Phil Foden Oo Iftiimiyay Markii Manchester City Ay Guul Ku Bilaabatay Koobka Adduunka Ee Naadiyada, Iyagoo Ka Adkaaday Wydad AC


Philadelphia, Mareykanka – Manchester City ayaa si rasmi ah u billowday difaacooda koobka Club World Cup iyadoo guul 2–0 ah ka gaartay kooxda reer Morocco ee Wydad AC. Laakiin qofka dareenka badankiisa qaatay wuxuu ahaa Phil Foden, kaas oo sameeyay bandhig cajiib ah oo isugu jiray gool iyo caawin, una muuqday mid dib u helaya kalsoonidii iyo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa kadib xilli ciyaareed adag oo uu lasoo maray.


Kooxda difaacaneysa koobkan, inkasta oo ay xilli ciyaareed daciif ah ku qaateen Premier League, waxay si xooggan ku bilaabatay tartankan cusub oo lagu qabanayo xagaaga. Foden ayaa daah furay ciyaarta labo daqiiqo gudaheed markii uu si fiican ugu laabtay kubad uu iska celiyay goolhayaha Wydad, Mehdi Benabid.


Markii uu waqtigu sii socday, Foden ayaa markale ka qeyb qaatay goolka labaad ee City. Saddex daqiiqo kahor dhammaadka qeybta hore, wuxuu bixiyay koorno aad u sax ah oo uu Jeremy Doku si qurux badan madaxa ugu dhaliyay goolka labaad. Qaab ciyaareedkiisa qeybta hore wuxuu ahaa mid cajiib ah  wuxuuna muujiyay awooddiisa inuu xilli ciyaareedka u rogo mid muhiim ah.


“Wuu muhiim noqon doonaa. Dabcan wuu noqon doonaa,” ayuu Pep Guardiola u sheegay DAZN kadib ciyaarta. “Waa door cusub, waxaan haynaa ciyaartoy badan oo No. 10 ah. Waa inaan wax badan habeynaa. Laakiin talaabo talaabo ayay noqon doontaa.”


Hadalka Guardiola wuxuu muujinayaa isbeddelka uu qorsheynayo inuu sameeyo, gaar ahaan kadib bixitaankii Kevin De Bruyne iyo imaatinka ciyaartoyda cusub sida Rayan Cherki iyo Tijjani Reijnders. Foden, oo marar badan lagu isticmaalay boosas kala duwan, hadda wuxuu haystaa fursad uu boos joogto ah kaga helo khadka dhexe.


Ciyaarta guud ahaan, Manchester City ayaa lahayd xakamaynta badan iyagoo dhameystay ciyaarta iyadoo xisaabta Expected Goals (xG) ay ahayd 1.92 marka la barbar dhigo 0.54 ee Wydad  taasoo muujinaysa in City ay fursado badan abuurtay. Si kastaba, kooxda reer Morocco ee uu hogaaminayo tababare Amine Benhachem ma aysan cabsi qabin waxayna ku qasbeen City inay difaac fiican sameyso mararka qaar.


Dhinaca kale, daafaca City wuxuu ahaa mid tijaabo ah; Vitor Reis ayaa la wehliyay Nathan Aké, halka Rico Lewis iyo wiilka da’da yar ee Nico O’Reilly ay ka ciyaarayeen garbaha. Xiddigaha sida Ruben Dias, Kyle Walker iyo Josko Gvardiol ayaa seegay safka koowaad, waxaana Guardiola isku dayay inuu isbedel sameeyo  taasoo ku dhowaatay inay sababo gool laga dhaliyo.


Ciyaartoyda cusub, Tijjani Reijnders wuxuu ahaa mid deggan oo saxay 68 ka mid ah 74 baas oo uu isku dayay. Cherki, inkasta oo uu muujiyay xirfado lagu yaqaan daqiiqadihii hore, haddana wuxuu si fudud uga baxay ciyaarta wuxuuna u baahanyahay inuu muujiyo waqti joogto ah si uu booskiisa u xaqiijiyo.


Dhibaato ayaa timid daqiiqaddii 88aad markii Rico Lewis uu kaarka cas qaatay kadib markii lugtiisu ay kor u kacday oo ay wejiga kaga dhacday Samuel Obeng, inkasta oo uu kubadda horay u helay. VAR kama aysan faragelin, waxaana Guardiola si cad u muujiyay inuu ku qanci waayay go’aanka.


“Wuxuu taabtay kubadda,” ayuu yiri Guardiola. “Ma jirin wax niyad ah oo xun. Garsooruhu wuxuu yiri cagta ayaa sare u kacday laakiin waxay ahayd meel dhulka ah. Waa dhaqan dabiici ah. Laakiin hadda waxba kama beddeli karno.”


Rico Lewis oo seegaya ciyaarta xigta, Matheus Nunes ayaa la filayaa inuu booska buuxiyo. Nunes ayaa ciyaarta kusoo galay dhamaadkii, waxaana lagu wadi karaa inuu safka koowaad kasoo muuqdo marka City ay wajahdo Juventus  ciyaar go’aamin karta kooxda kaalinta koowaad kaga baxeysa Group G.


Foden, si kastaba, wuxuu ahaa geesiga ciyaarta. Wuxuu lahaa 4 laad (3 ka mid ah bartilmaameed), wuxuu abuuray 2 fursadood, wuxuuna muujiyay shaqsiyad iyo firfircooni badan. Ka ciyaaristiisa booska dhexe ee caawa waxay muujin kartaa halka Guardiola rabo inuu mustaqbalka ka isticmaalo xiddiga reer England gaar ahaan kadib bixitaankii De Bruyne.


City ayaa hadda fursad weyn u leh inay kasoo baxdo Group G, oo ay la wadaagto Juventus iyo Al Ain. Laakiin si ay ugu guuleystaan tartankan, waxay u baahan yihiin horumar iyo in ciyaartoyda sida Foden, Doku iyo Haaland ay qaabkooda hagaajiyaan.


Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Post ADS 1
Post ADS 2