Manchester City ayaa si xooggan ugu dhawaaqday awooddeeda tartanka Club World Cup kaddib markii ay 5-2 ku xaaqeen kooxda Juventus ciyaar ka dhacday garoonka Camping World Stadium ee Orlando, Florida, Jimcihii. Guushan ayaa City ku xaqiijisay booska koowaad ee Group G, waxayna hadda sugayaan kooxdii ku dhamaysata kaalinta labaad ee Group H – midkood Real Madrid ama RB Salzburg – wareegga xiga.
Laakiin marka laga yimaado natiijada weyn, ciyaartani waxay ahayd mid calaamado badan xambaarsan: Rikoodh cusub oo uu dhigay Erling Haaland, Rodri oo dib usoo laabtay markii ugu horreysay tan iyo dhaawac halis ah, iyo Manchester City oo dib usoo ceshatay qaab ciyaareedkii cabsida lahaa.
City oo ciyaarta si xooggan u billowday
Labada kooxoodba waxay ciyaarta kusoo galeen iyadoo min 3 dhibcood ay haystaan, balse City ayaa si degdeg ah u muujisay awooddeeda. Daqiiqaddii sagaalaad, Jeremy Doku ayaa gool qurux badan dhaliyey kaddib baas furan oo uu ka helay Rayan Aït-Nouri, taasoo ahayd dhammaystir qurux badan oo ka dhashay kubbad dhismo xeeladaysan.
Juventus si degdeg ah ayey uga jawaabtay qalad uu sameeyey Ederson oo kubbad khaldan u dhiibay Teun Koopmeiners, kaasoo fursaddaas si fiican u dhameystiray.
Si kastaba, City ma waqti lumineynin. Daqiiqaddii 26aad, difaacii Juventus Pierre Kalulu ayaa si lama filaan ah isagu gool iska dhaliyey, isagoo si khaldan u jaray karoos uu soo dhigay Matheus Nunes.
Haaland oo gaaray goolkiisii 300aad
Markii laga soo laabtay nasashada, Guardiola wuxuu ciyaarta keenay Erling Haaland – oo noqday beddel halis badan. Kaliya toddobo daqiiqo ayuu ku qaatay inuu shabaqa gaaro, isagoo si sahlan u dhamaystiray karoos uu ka helay Nunes, taasoo ahayd goolkiisii 300aad ee heerka sare iyo heerka caalami.
Inkastoo aysan aheyn dhammaystir qurux badan, haddana Haaland wuxuu markale muujiyay in awooddiisa gooldhalinta aysan xad lahayn. Kaddib, wuu sii waday saameyntiisa – isagoo ku lug yeeshay gool kale oo uu Phil Foden dhaliyay, kaddib markuu kubbad halis ahayd ka helay Savinho.
Daqiiqado yar kadib, Savinho laftiisu wuxuu dhaliyay goolkii shanaad ee City, isagoo si awood leh kubbad ku dhaliyay kaddib markii goolhaye Di Gregorio uu ka soo celiyay laad uu Haaland tuuray. Juventus ayaa gool qurux badan dhalisay dhamaadka ciyaarta markii Dusan Vlahovic uu ka faa’iidaystay baas cajiib ah oo uu ka helay Kenan Yildiz.
Rodri oo kusoo laabtay garoomada
War kale oo weyn oo ciyaarta kasoo baxay wuxuu ahaa in Rodri uu markii ugu horreysay ciyaaray tan iyo markii uu jilibka ka jabay bishii September. Ka dib muddo afar bilood ah oo dhaawac ah, iyo isagoo dhowaan ku guuleystay Ballon d’Or, Rodri wuxuu kusoo laabtay garoomada – inkastoo garoonka Orlando uu ahaa mid adag oo si xad dhaaf ah loo waraabiyey.
Guardiola wuxuu qirtay inuu garanayay in khatartiisu jirto, balse wuxuu sheegay in Rodri yahay “ciyaaryahanka ugu fiican adduunka” islamarkaana kooxdu si weyn u tabaysay.
Rodri wuxuu ciyaarta ku jiray 66 daqiiqo, isagoo weli muuqday mid khibraddiisa leh inkastoo uu dareemayay xoogaa liidasho ah. Taageerayaashu waxay rajaynayaan in qaabkiisii ugu sarreeyay uu dib ugu soo laaban doono toddobaadyada soo socda.
Guardiola oo sii wata rikoodhka guusha ee Club World Cup
Guushani waxay ka dhigtay in Guardiola uu sii hayo rikoodh cajiib ah oo ah inuu 11 ciyaarood oo uu Club World Cup ka ciyaaray dhammaantood badiyey, iyadoo kooxihiisa ay dhaliyeen 38 gool halka laga dhaliyay 4 keliya.
Tani waxay mar kale muujinaysaa sida uu Guardiola ugu fiican yahay tartamada noocan ah ee muddo gaaban leh, iyo farqiga u dhexeeya kooxaha heerka sare ee Yurub iyo kuwa kale ee ka imaanaya qaaradaha kale.
City oo sugeysa midkood Real Madrid ama Salzburg
Manchester City waxay sugayaan natiijada kulamada ugu dambeeya ee Group H si ay u ogaadaan ciddii ay la ciyaari doonaan wareegga xiga. Haddii Real Madrid laga badiyo ama laga helo barbaro, waxaa suurtagal ah in City iyo Real ay kulmaan – taasoo noqon doonta ciyaar cajiib ah.
Labada kooxood waxay yeesheen tartan xiiso badan sannadihii u dambeeyay, gaar ahaan Champions League. Haddii ay markale kulmaan, wuxuu noqon doonaa cutub cusub oo ka mid ah dagaalkooda caanka ah.
Gabagabo: Manchester City oo u muuqata inay mar kale diyaar tahay
City waxay ciyaarta muujisay heer ciyaareed sare – mid ka duwan qaabkii liitay ee ay kusoo bandhigeen xilli ciyaareedkii hore ee ay 13 dhibcood ka dambeeyeen Liverpool. Isku-darka dhalinyarada iyo khibradda, Haaland oo weerarka hogaaminaya, iyo Rodri oo kusoo laabtay khadka dhexe – waxay dhammaantood calaamad u yihiin in City mar kale tahay koox halis ah.
Guusha 5-2 ah waxay ahaatay fariin cad oo u dirtay kooxaha kale ee tartanka: Manchester City ma aha kuwo ka qaybgalaya tartanka. Waxay u joogaan inay ku guuleystaan.
Post a Comment