City oo Isku Diyaarinaysa Final Kale Ka Dhaca Wembley


Kooxda Manchester City ayaa isu diyaarinaysa final-koodii 14-aad ee FA Cup-ka iyagoo Sabtida ay la ciyaari doonan kooxda Crystal Palace garoonka Wembley. Cityzens ayaa doonaya inay dib u hantaan koobkan kadib guuldarradii ka soo gaartay Manchester United final-kii xilli ciyaareedkii hore.


Man City ayaa koobkan ku guuleysatay xilli ciyaareedkii 2022–23 kadib markii ay garaaceen United, waxaana hadda ay doonayan inay markii sideedaad ku guuleystaan FA Cup-ka. Inkastoo xilli ciyaareedkan ay ka muuqatay hoos udhac weyn, Hadana kooxda Pep Guardiola ayaa hadda si xooggan uga soo kabanaysa dhibaatadii xili ciyaaredkan waxayna u muuqdaan kuwa ugu cadcad kulanka finalka.


Inkastoo khadka dhexe ee Rodri uusan diyaar ahayn, haddana inta badan ciyaartoyda waaweyn ee City ayaa diyaar u ah kulankan, waxaana shaki la’aan laga dareemayaa awoodooda iyo waaya-aragnimadooda. Guardiola ayaa la filayaa inuu mar kale u doorto Ederson booska goolka, kadib markii qaladkii Ortega ee final-kii hore laga bartay. Ederson ayaa hore u soo ciyaaray laba kulan oo tartankan ah.


Difaaca ayaa laga yaabaa in uu Rico Lewis ka ciyaaro garabka midig, halka Rúben Dias iyo Joško Gvardiol ay difaaca dhexe ka wada ciyaari doonaan. Labadaas ciyaaryahan ayaa doonaya inay saxaan qaladaadkoodii final-kii hore, gaar ahaan Gvardiol oo laftiisu dhaliyay gool muhiim ah kulankii nus-dhamaadka ee Forest. Dhinaca bidix waxaa laga yaabaa in uu ka ciyaaro Nico O’Reilly oo si cajiib ah uga soo muuqday FA Cup-kan.


Khadka dhexe waxaa dib ugu soo laabanaya İlkay Gündoğan. Gündoğan ayaa dhaliyay laba gool final-kii City ee 2023, wuxuuna u keeni karaa khibrad iyo degganaanta kooxda. Waxaa la filayaa in uu garab kiisa joogo Mateo Kovačić, oo isaguna rajo ka qaba in uu ka fogaado kaadh cas oo la mid ah kii uu ku galay final-kii 2020 ee uu Chelsea u ciyaarayey.


Weerarka City ee la soo sheegayo waa mid khatar u ah kooxda Crystal Palace sidii caadada ahayd. Bernardo Silva ayaa ka ciyaari doona garabka midig, halka Omar Marmoush uu ka ciyaari doono garabka bidix, isaguna waa final-kiisii ugu horreeyay ee FA Cup—wuxuuna dhaliyay goolka guusha ee wareegga siddeedaad. Kevin De Bruyne oo u ah kulankiisii ugu dambeeyay ee Wembley ee heerka kooxda, ayaa la filayaa inuu u ciyaaro ciyaartan, isagoo raadinaya in koob kale uu la qaado City.


Weeraryahanka reer Norway, Erling Haaland, ayaa ku soo laabtay safka kadib dhaawac uu ka soo kabtay, waxaana uu leeyahay lix gool afar kulan oo uu ka hor yimid Palace. Isaga ayaa noqon kara halista ugu weyn ee City ay ku hanan karto koobkan.


Inkastoo Crystal Palace ay rajo ka qabto inay sameyso lama filaan, haddana awoodda, waaya-aragnimada iyo qaabka ciyaareed ee City ayaa ka dhigaya kuwo si weyn loo saadaalinayo inay ku guulaystan.

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Post ADS 1
Post ADS 2